26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Maxay ka hadleen Xasan Sh iyo wafdi ka socda Kenya oo Muqdisho jooga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynahaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi xildhibaanno ah oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay aqanka madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada waddan iyo siddii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdiga Kenya ayaa ka hadlay howgallada ciidamada Kenya oo qayb ka ah kuwa AMISOM ay ka wadaan Jubbooyinka.

Bilow Keerow oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya kana mid ah wafdiga la kulmay madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dooneyso siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeya labada dal maadama ay lee yihiin dano isku mid ah.

Wuxuu sheegay oo kale in ka hor madaxweynaha inta aaney la kulmin ay kulan la qaateen baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo sannadkan ku howlan in dhammeestiran dastuurka qabyada ah ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News