Madaxweynaha oo soo dhammeestiray maamulka G.Banaadir (Yaa ku jirra?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xilalka loo qaaday xubno horrey uga tirsanaa maamulkii gobalka Banaadir ee uu hoggaaminayay Tarsan.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa kala ahaa guddoomiye ku xigeenada gobalka iyo xoghayihii guud.

Madaxweynaha ayaa magacaabay xubno cusub waxaana ka mid ah ragga la magacaabay agaasimihii xafiiska madaxweynaha Kamaal Daahir Xasan Guutaale.

Mr, Kamaal ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee dhinaca siyaasada iyo dimuquraadiyada, wuxuuna xilkan kala wareegay Cali Axmed Guure oo horrey u ahaa kuxigeenkii dhinaca siyaasada iyo Arimaha Bulshada.

Sidoo kale wareegtada waxa lagu magacaabay kuxigeenka gudoomiyaha gobolka dhinaca maamulka iyo Maaliyada Mudane Ismaaciil macalin Cabdi Guure isagoo badalaya Iimaan Nuur Iikar oo xilkaasi hore gobolka Banaadir ugu magacaabnaa.

Wareegtada Madaxweynaha waxaa kale oo lagu magacaabay Iimaan Nuur Iikar inuu noqdo kuxigeenka guddoomiyaha gobolka dhinaca arimaha bulshada.

Iimaan waa shakhsiga kaliye ee soo laabtay kana mid ahaa maamulkii horre ee Tarsan , waxaa kaloo xilkiisa haya afhayeenka maamulka Maxamed Yuusuf Cismaan.

Waxaa xilkii guddoomiye kuxigeenkii gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga laga qaaday Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax) waxaana xilkaasi loogu daray inuu qabto guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Ugu dambeyn wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay Maxamed Shiikh Cilmi Maxamuud (Amiin) kaasi oo noqonaya xoghayaha guud ee gobolka Banaadir waxaana xilkii xoghayaha guud ee gobolka Banaadir laga qaaday Mudane Cabdikaafi Hilowle Cusmaan.

Lama yaqaano isbadalkan cusub ee meesha looga saaray xubnihii horre ee gobalka Banaadir, iyadoo qaar badan oo ah ragga cusub ee maamulka gobalka Banaadir ay yihiin kuwa ku cusub siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu wareegtadan uu soo saaray 10-kii bishan balse maanta oo Arbaca ayaa si rasmi ah loo soo gaarsiiyay Saxaafadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com