War-murtiyeed kasoo baxay shir war bixin iyo wada tashi ah oo uu qabtay Ugaaska guud ee beesha Sade ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi. Muqdisho, 30/03/2014
Shir ballaaran oo ay manta yeelatay beesha Sade oo ka kala timid guud ahaan deegaannada kale duwan ee beeshu degto, oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayna kasoo qayb-galeen Ugaasyada, salaadiinta, siyaasiyiinta, nabaddoonnada, aqoonyahannada, haweenka, wax garadka, iyo dhalinyarada beesha ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho waxaa kazoo baxay go’aannadan:
1- Beesha waxay taageeraysa barnaamijka iyo aragtida cusub ee dowladda madaxwayne Xasan Sh. Maxamud iyo Ra’iisul Wasaare Cabduweli Sh. Maxamed ee ku aaddan nabadeynta iyo xasilinta dalka, tayeynta hay’adaha dowladda ee u xilsaaran adeegga bulshada. Sidoo kale beeshu waxay kula dardaarmaysaa dowladda in khayraadka iyo adeegyada bulshada si caddaalad ah loogu qaybiyo dhamaan bulshada iyo deegaannada dalku ka koobanyahay.
ArrimahaJubbooyinka
- Iyadoo la tixgelinayo mabaadiida kuqeexan dastuurka Qaranka, dastuurka Jubbaland, heshiskii Adis Ababa, iyo kii Muqdishu, Beeshu waxay ayidaysaa is-raacidda saddexda gobol ee Jubaland, kaa soo ka tarjumaya rabitaanka dadka deegaanka saddexda gobol.
- Hasayeeshee, waxaa Beeshu nasiib darro ku tilmamaysa in maamulka kumeelgaarka ee Jubba uu kutuntay oo iska hareer maray dhamaanba go’aannaddii ay xambaarsannayeen heshiisyadaaan kor ku soo xusnay.
- Laga soo billaabo shirkii Adis Ababa iyo ka horba, waxaa ka dhacayey Kismayo, dilal qorshaysan, barakicin, kufsi, dhac hanta iyo daan-daansi joogta ah oo kadhan ah guud ahaan beelaha Soomaliyeed, gaar ahaanna beesha SADE.
- Beesha Sade muddadaas dhibka iyo tacadiyada ka dhanka ahi ay socdeen, waxay muujinaysay taxaddar, is-xakamayn,dhabar adag, iyo talo soo jeedin. Maxaayeelay, waxaa ka dhab ahayd welina ka go’antahay in la hirgeliyo maamulka Jubbland oo loo dhan yahay oo caddaalad ku dhisan, kana tarjumaysa baahida iyo rabitaanka dadka deegaanka sida ku cad heshiisyadii lagu unkay maamulka Jubbaland.
- Beeshu waxay aaminsantahay in dadka Soomaliyeed ay ka daaleen dagaal beeleed, dagaal oognimo (warlordism) iyo siyaasadda nin tooxsiga, lana gaarayxilligii xaqligu talin lahaa, dib u dhis iyo horumarna loo horseedi lahaa ummadda iyo Jiilka soo koraya ee dagaallada iyo darxumad u nolosha la qaybsadeen.
- Sidaa darteed, Beeshu waxay kula talinaysaa dhamaanba ka qayb galayaashii heshiisyadii Adisa baba, kii Muqdisho, in la fuliyo qodobaddii gun-dhigga u ahaa heshiisada iyo sida uu qabo dastuurka lagu dhisay Jubbaland, si looga maagto dhiigga badan oo sida micno darrada ah u daadanaya, iyo fashilku yimaada hirgelinta maamulka Jubbaland oo shacabka deegaannadaas ay u jeel qaban.
- Sidoo kale Beeshu waxay ka dalbaysaa dowladda Somaliyeed iyo urur-goboleedka IGAD, AMISOM iyo beesha Caalamkaba in si dhaqsa ah loo joojiyo, waxna laga qabto cidda ka danbaysa dilalka qorshaysan, dhaca, kufsiga, barakicinta kutalagalka ah ee kadhanka ah guud ahaan bulshada deegaanka, gaar ahaanna beesha Sade.
- Beeshu waxay baaq u jeedinaysaa wax-garadka iyo siyaasiyiinta Absame, in ay garowsadaan muhiimadda ay leedahay nabadda iyo wada noolaashada, iyo weliba ahmiyada ay leedahay dhisidda maamul goboleedka Jubbland oo loo dhanyahay, sidaas darteedna la joojiyo aragtida gaaban ee kudhisan isir- la dirirka iyo barakicinta beesha Sade, taas oo dhab ahaantii aan marna guul lagu gaarayn.
- Ugu danbayn, Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan ummadda Somaliyeed inay u midoobaan nabad iyo dib u dhiska dalkooda. Gaar ahaan bulshada walaalaha ah ee kasoo jeedda gobolllada Jubbooyinka, waxaan ku boorrinnayna adkaynta nabadda, midnimadooda, iyo hirgelinta maamulka jubaland oo ku dhisan caddalad loo dhanyahay.
Dhamaad