Beel sheegtay in Axmed Madoobe uu wiilkooda uga aarguday dilkii Ugaaska

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay odayaasha beesha Dagoodi, kuwaasoo sheegay in wiil dhawaan lagu dilay Kismaayo uusan ahayn ninka dilay Ugaaskii beesha Cowramala Ugaas Haafow.

Odayaasha iyo wax-garadka beesha Dagoodi ayaa sheegay in meleeshiyaadka Axmed Madoobe in ay magaalada Kismaayo ka wadaan gumaad ay ku hayaab beelo gaar ah.

Waxaa kaloo ay sheegeen in wiilka la dilay isaga walaalkiis ka yer in laga soo qabtay magaalada dabadeedna meel fagaaro ah maalin cad lagu dilay kaddib markii lagu eedeeyay in uu dilau ugaas Haafow.

“Waxaan caddeeneynaa wiilka Kismaayo ay dileen maleeshiyaadka Axmed Madoobe in isaga iyo walaalkii ka yer laga soo qabtay gurrigooda iyagoo ku jirra waxaana wiilka la dilay uu ahaa dadka ka shaqeeya dhismooyinka guryahaa, waa la kaxeestay maallin cad ayaa Kismaayo lagu dilay,iyadoo laga duubay kaamiro oo saxaafadda loo yeeray wiilka kale ee ka yerna waa uu xiran yahay”ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha maanta shirka jaraa’id Muqdisho ku qabtay.

Odayaasha ku shiray Muqdisho waxa ay eedeen u jeediyeen afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax, oo ay sheegeen in uu been sheegay maadama uu yiri waxaan heynaa labo wiil oo dilay ugaas Haafow.

“Waa la yaqaanaa ninka dilay ugaas Heefow waa nin ay ilmo adeer yihiin, laakin ma ahayn in loo soo qabto labo wiil oo walaalo ah oo mid aanu qaan gaar ahayn” ayuu yiri oday dhaqameed kale.

Odayaasha beesha Dagoodi ayaa ka dilay haddii ay sii sicdaan gumaadka lagu hayo shacabka ku dhaqan Kismaayo in magaalada ay dilaaci doonaan dagaallo lagu hoobto oo wajiyo badan yeesho la iska celiyo meeleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn odayaasha ku shiray Muqdisho ayaa ka codsaday beesha caalamka iyo hey’addaha xuquuqda aadanaha in ay tallaabo ka qaadaan maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo afhayeenkooda Seeraar oo dhib badan ka galay dadka reer Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com