26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xog laga helay safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ugu ambaxay Jabuuti

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamed ayaa maanta u ambabaxay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Madaxweynaha oo ay la socdaan xubno wasiiro ah ayaa la kulmi doona madaxweynaha Jabuuti iyo madaxda dalkaas siddaas waxaa sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho oo ka mid ahaa wariyaasha joogay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inta uu joogo Jabuuti in uu la kulmi doono dhiggiisa dalkaas iyagoona ka hadli doono arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siddii loo soo kordhin lahaa ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa AMISOM.

Jabuuti ayaa ka mid ah waddamada ciidamada ku deeqay howgalka Midowga Afrika

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News