XOG: Villa Somalia oo lagu go’aamiyey xil ka qaadista Cabdi Weli, Qaabkee?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan kooxda Damu-Jadiid, ayaa kullan xasaasi ah ku yeeshay Villa Somalia, ayada oo la billaabayo qorshe xilka looga qaadayo ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ilo xog ogaal ah ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis ayaa tallaabadan qaadaya, kadib markii ay u caddaatay inaysan wax rajo wada shaqeyn dambe ah ka lahayn Cabdi Weli oo xulufo ka dhigtay Puntland iyo kooxda Axmed Madoobe.

Waxaa si qotodheer looga dooday jidka loo mari karo xilka qaadis lagu sameeyo Ra’isul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, iyadoo ugu dambeyn lagu heshiiyay in Wasiirada iyo Wasiiro ku xigeenka Damu-Jadiid iscasilaan.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in loo hoowlgalo sidii iscasilaada loo ogoleysiin lahaa Wasiiro kale oo lagu qancin doono inay ku soo laaban doonaan xilalkooda, marka Cabdi Weli uu meesha ka baxo.

Ila wareedyada ka qeybgalay kulankaas waxay Caasimada Online u sheegeen in kulan labaad lagu ballamay si looga dooda waxa ka dhalan kara hadii ay Wasiirada is-casilaan maadama uu xaq u leeyahay Ra’isul wasaaraha inuu boosaskooda u magacaabo mas’uuliyiin kale.

Xildhibaanada ka qeybgalay kulanka ayaa la filayaa inay qiimeeyn ku sameeyaan hadii ay suurtagal tahay inay taageeri ka keeni karaan Xildhibaanada diidan Madaxweynaha, ayada oo la isku haleynayo lacag aad u tira badan

Dhinaca kale Cabdi Weli, ayaa la rumeysan yahay inuu dib usoo nooleeyey socdaal laba mar baaqday oo uu ku tagi lahaa Puntland, isaga oo taageero raadinaya, inkasta oo aan waqtiga la cayimin.

Maalin ka hor ayay ahayd markii beesha caalamka ay soo saartay digniin ku saabsan in xasilooni darrada iyo khilaaafyada siyaasadeed ay sii curyaamin karaan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com