Qarax xoogan oo ka dhacay Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa sheegaya halkaas uu ka dhacay qarax weyn oo aad looga maqlay magaalada oo dhan.

Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada xaley saqdii dhexe, mana cadda khasaaraha uu geestay.

Dadka ku dhaqan Hargeysa ayaa ka salalay hurdada waxaana qaar badan ay sheegeen in qaraxa kaddib aanu hurdo ka imaan.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta ayaa lagu soo warramayaa inay sameeyeen baaritaan aan la sheegin cid lagu qabtay.

Si kastaba, ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay qaraxa xaley abaaro 12kii saqda dhexe ka dhacay Hargeysa, iyadoo ammaanka magaalada maanta aad loo adkeeyay.

Qaraxa ka dhacay Hargeysa ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf  xooggan oo dhinaca siyaasadeed uu ka dhex jirro xibsiga talada haya ee Kulmiye kaasoo labo gabar u kala jabay.

Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu xasilloon Soomaaliya, wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com