Aqriso magacyada xubnaha gudiga dib u eegista Dastuurka oo la ansixiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha isla markaana nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Caasimada Onlien ayaa lagu sheegay in kulanka Golaha wasiiradda oo uu shir-guddoominayay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed in lagu ansixiyay 5 xubnood oo uu ka kooban yahay guddigaas.

Sidda ku cad qoraalka, guddigan waxaa soo gudbiyay wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Faarax Sheekh Cabdiqaadir, waxaana ku jirta wasiirkii horre ee arrimaha haweenka Puntland Caasho Geelle Diiriye.

Guddigan ayaa kala ah:-

1. Marwo Caasho Geele Diiriye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xusein Xaaji

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka mudane Faarax Cabdulqaadir ayaa sheegay in Wasaaradiisu in mudo ah ku howlanayd sidii loo soo diyaarin lahaa gudiga madax banaan ee Dastuurka, isagoona ku aamanay golaha wasiirada sida aqlabiyada ah oo ay isugu raaceen ansixinta gudigaan oo ay hortaalo shaqo adag.

Ra’iisu wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo ansixinta Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, isagoona ku tilmaamay in ay yihiin aqoon yahano Soomaaliyeed oo khibrad u leh shaqada loo magacaabay.

“Talaabo weyn ayaan u qaadnay dhanka dowladda dhisidda, waxaana maanta ku guulaysanay in goluhu ansixiyo gudigii dib u eegista Dastuurka, waxaan u mahadcelinayaa guddi hoosaadka siyaasadda iyo Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka oo kaalin mug leh ka qaatay dhismaha guddigan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.

Sidoo kale golaha Wasiirada ayaa dood adag ka yeeshay xaaladda amniga ee dalka, waxaana loo xil saaray gudi hoosaadka amniga inay kusoo diyaariyaan muddo 24 saac gudahood ah hawlgalo la xiriira dardargelinta ammaanka Muqdisho.

“Guluhu wuxuu u xil saaray gudi hoosaadka amniga in ay muddo 24 saac gudahood kusoo diyaariyaan howgalo la xiriira dardargelinta ammaanka Muqdisho iyo dib-u-eegidda qaabka shaqo ee Hay’addaha amniga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbayn golaha Wasiirada waxay marlabaad ay ka tacsiyeeyeen weerarkii Baarlamaanka iyo dilka Sarkaal Turkish ah oo ka shaqaynayey Muqdisho, waxaana la faray laamaha amniga in baaritaan ay ku sameeyaan dilka sarkaalkaas

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com