UNSOM oo muddada loo kordhiyay iyo DF Soomaaliya oo runta loo sheegay

New York (Caasimada Online)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in muddo hal sanno uu sii shaqeeyo xafiiska xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Qaraar ka soo baxay goluhu ayaa dhigaya in xafiiska UNSOM ee Soomaaliya loogu talagalay in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya si loo gaaro xasilloni iyo nabad ka dhalata Soomaaliya.

Arrimaha muhiimka ah ee goluhu uu xusay in la qabto waxaa ka mid ah siddii dib loogu soo celin lahaa hannankii nabadda iyo heykalkii dowladnimo

Goluhu wuxuu ku booriyay UNSOM, howgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo IGAD in ay kala shaqeeyaan dowladda siddii ay ugu guuleysan lahayd wax yaabaha laga rabo.

Golaha ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay la timaaddo qorshe cad oo ku saabsan doorashooyinka 2016, afti loo qaado dastuurka iyo sameynta maamullo ku-meel-gaar ah. Golaha ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wada-shaqeyn dhow oo ay yeeshaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka dhisan.

Xafiiska UNSOM ayaa la hirgaliyay sannadkii horre, kaddib markii golaha ammaanka iyo beesha caalamka ay aqoonsadeen dowladda Soomaaliya.

UNSOM oo xaruntiisa ugu weyn uu ku yaallo Muqdisho, waxaa madax ka ah nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Nick Key, waxaa kaloo xafiisyo uu ku lee yahay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minnesota

Caasimada@live.com