Gaashaanle Sare Bariise oo DF u xiran iyo cidda xirtay oo la ogaaday (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya ay xirtay taliyiin ciidanka saadka ciidamada Korneel Cabdulaahi Xasan Bariise.

Bariise ayaa la sheegay in xabsi guri laga dhigay islama markaana loo sheegay in uusan wax dhaqdhaqaaq ah sameen karin ilaa amar dambe.

Yaa bixiyay amarka lagu xiray afhayeenkii horre ee booliska?

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in Korneel Bariise uu xiran yahay taliyaha ciidamada booliska Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid).

Saacid ayaa Bariise u sheegay in uusan wax shaqo ah booliska u qaban karin ilaa inta ay ka dhammaanayaan baaritaan lagu hayo.

Bariise ayaa horrey u soo noqday afhayeenkii horre ee booliska iyo taliyaha hey’addana CID-da, balse waxaa xilkaas laga qaaday markii Jenaraal Saacid noqday taliyaha ciidanka booliska.

Maxaa ka dhexeeya labada nin?

Tan iyo markii uu xilka iska casilay wasiirkii horre ee amniga qaranka, Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaa soo baxay in ay jiraan saraakiil ciidan oo xilka laga qaadayo, waxaana saraakiishaas ka mid ah taliyaha ciidanka booliska.

Haddab Saacid si uu booskiisa u ceshto wuxuu billaabay in uu ugaarsado ragga uu islee yahay waa lagu badali karaa kuwaasoo uu rabo in uu dambi qoorta ugaliyo si xilka uu badbaadsado.

Ragga ugu horreeya ee uu ka cabsi qabo ayaa waxaa ugu horreeya Bariise, waana tan keentay in uu xabsi gurri ka dhigo sidda ay lee yihiin dadka la socda arrimahan.

Korneel Bariisa oo la hadlay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa xaqiijiyay in uu xabsi gurri ku jirro ciidamo badanna la dhigay gurriga uu deggan yahay balse faah-faahin kale ma bixin.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin xarriga Cabdulaahi Xasan Bariise oo xilalka kala duwan ka soo qabtay Booliska.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com