Marka (Caasimada Online) – Maamulka Shabeelle State ayaa ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya in uu la saftay maamulka 3-da gobal ee Koonfur Galbeed.
Muxyidiin Xasan Afrax oo ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka Shabeelle State ayaa sheegay in xog ku heleen ra’iisal wasaaraha in uu taageersan yahay maamulka seddaxda gobal ee Koonfur Galbeed isla markaana ay caddeemo cad-cad ay u hayaan sidda uu hadalka u dhigay.
“Meelo badan ayuu ka sheegay ra’iisal wasaaraha in u taageersan yahay maamulkaas, wuxuuna wadaa durbaan colaadeed, aqoonsi cidna ugama baahnin oo dastuurka ayuu ku yaallaa in labo gobal iyo wixii ka badan ay sameesan karaan maamul gobaleed” ayuu yiri Muxyidiin Xasan Afrax.
Wuxuu sheegay oo kale in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkasta oo soo weerarta maamulkooda.
Dhinaca kale, madaxweyne ku-xigeenka maamulka Shabeelle State ayaa ka hadlay gogol nabadeed oo ay dhigeen beelaha Habar-gidir iyo Biya-maal oo ku dagaallamay qeybo ka mid gobalka Shabeellaha Hoose.
Wuxuu sheegay in kulankaas ay ka soo qeybgalaan odayaal iyo wax garad ka soo kala jeeda beelaha ku dagallamay gobalka isagoona intaas ku daray in lagu gaaray madasha heshiis hordhac ah oo la isugu soo dhaweenaayo labada dhinac.
Ma cadda sidda warkan ka soo yeeray maamulka Shabeelle State uu xaqiiqo u yahay waayo dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay Marka ayaa ku soo guul darreestay in ay dhexdhexaadiyaan maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamay gobalka Shabeellaha Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho