Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Hawiye oo go’aano adag & digniin soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada, siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye, ayaa maanta kullan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kullanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii Beelaha Hawiye ay deegaanada ay ka dagaan gobollada dalka Soomaaliya looga dhisi lahaa maamuul goboleedyo.

Waxaa kullankasi rasmi ah ay beesha Hawiye ugu taageertay jiritaanka maamulka Shabelle State.

Waxaa sidoo kale lagu shaaciyey dhismaha dhowr maamul goboleed oo soo socda oo beelaha Hawiye ay dhisi doonaan.
Beelaha Hawiye waxa ay digniin u direen dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, ayaga ugu baaqay inaysan fara-gelin habka ay isku raacayaan gobollada dalka.

Hawiye waxa ay ka digeen haddii aan taas aan la joojin, ay ka dhallan karto cawaaqib xumo iyo dib u dhac.

Xildhibaan C/raxmaan Dheere ayaa Warbaahinta u aqriyay go’aannadii siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Beelaha Hawiye.

Halkan ka dhageyso Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com