DFS oo aqoonsaneysa maamulka 3-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka “DF” Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku aqoonsaneyso mid ka mid ah maamuladii dhawaan looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay maanta aqoonsanaysaa Maamulka Saddexda Gobol ee Magaalada Baydhabo looga dhawaaqay, xilli muddooyinkaan dambe uu jiray khilaaf ku aadan Maamulka saddexda Gobol iyo midka lixda Gobol ee Magaalada Baydhabo looga wada dhawaaqay.

Shalay ayaa lagu waday in lasoo bandhigo Mowqifka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku aadan Maamulada lixda Gobol iyo midka saddexda Gobol, hayeeshe waxaa ku yimid dib udhac, iyadoo koox wariyeyaal ah oo Madaxtooyada looga yeeray dib loosoo celiyay.

Kooxda uu Hogaaminayo Madoobe Nuunoow Maxamed ee lixda Gobol, ayaa waxaa lagu qanciyay inay kusoo biiraan Maamulka Saddexda Gobol oo ay dadkooda dhinac ka raacaan.

Dhanka kale waxaa jirta saameyn ka imaan karta Maamulka saddexda Gobol uu ku yeelanayo Maamulka Shabeele State ee Shabeelaha hoose looga dhawaaqay, kaasi oo uu Madax ka yahay Mardaadi.

Magaalada Marka hada badi waxaa ku sugan ciidamo hoostaga Maamulka Shabeele State, hadii Dowladda Maamulka saddexda Gobol Aqoonsata, waxaa suuragal ah inuu halkaasi ka abuurmo isku dhac dhexmara Shabeele State iyo Maamulka Saddexda Gobol.

Soomaaliya oo kasoo kabsanaysa Bur-bur sokeeye, welina ay ka dagaalamayaan Kooxo Islaamiyiin ah, ayaa caalamka wuxuu Soomaaliya qoorta ugeliyay hanaanka Federaalka oo Soomaaliya aysan ka bixi karin marka loo eego marxalada dalka uu ku jiro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com