Maxaa ka socda xarunta Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ergooyin ka kala socda maamulada lixda iyo seddaxda ee koonfur galbeed. Ergooyinka oo hadda ku sugan xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa la sheegay in u yeertay dowladda Soomaaliya.

Maxammuud Sayid Aadan waa madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen casuumaad ay ka helaan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in ay doonayaan siddii loo dhexdhexaadin lahaa maamulada labada gobal kuwaasoo uu khilaaf ballaaran uu ka dhexeeyo iminka.

Wuxuu sheegay oo kale in ay ku rajo weyn yihiin siddii uu wadahadal u dhexmari lahaa labada maamul.

Waxaa la weydiiyay in ilaa hadda ay kulmeen ergooyinka kale ee ka socda maamulka seddaxda gobal.

Wuxuu sheegay in ila hadda aaney kulmin wafdiga ka socda maamulka seddaxda gobal balse ay ku rajo weyn yihiin siddii ay ula kulmi lahaayeen maamulkaas oo uu wadashaqeen u dhexmari lahaa.

Labadan maamul ayaa lagu dhisay magaalada Baydhabo, wuxuu mid ka mid ah sheegtaa lix gobal oo kala ah, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka halka maamul kale uu sheegto in uu ka arrimiyo seddax gobal oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com