Dagaal beeleedyo culus oo maanta dib uga qarxay gobolka Shabellaha Hoose

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biya Maal.

Dagaalka oo ku billowday markii horre qaab goos-goos ah ayaa la sheegay in uu markii dambe isku badalay mid culus sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Waxaa jirra khasaaro soo kala gaaray labada dhinac balse xog badan lagama hayo.

Sidoo kale waxaa dagaalka xaqiijiyay guddoomiyaha deeganka Lambar 50 Cabdullaahi Waafow balse wuxuu lee yahay wixii faah-faahin ah waxaan soo gudbin doonaa goordambe.

Dagaalka ka dhacay maanta deeganka Lambar 50 ayaa ku soo beegmaya iyadoo gobalka ay ka socdeen dedaalo ku aadan siddii lagu qaboojin lahaa dagaallo labo toddobaad ka hor ku dhexmaray degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Biyo-Maal iyo Habar-gidir.

Dagaalladan ayaa sidoo kale ku soo beegmay iyadoo gobalka shaley ay ka soo tageen wafdi wasiiro ah oo dowladda ka socday kuwaasoo u tagay Shabeellaha Hoose siddii loo damin lahaa xiisadda dagaal ee ka aloosan gobalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com