Duulimadkii ugu horeeyey ee Sweden illaa Muqdisho oo maanta billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah soo caga dhigatay diyaarad rakaab ah oo ka timid Yurub.

Diyaaradda oo ay lahayd shirkad la dhaho Fly Olympic ayaa waxay waday 213 rakaab ah kuwaasoo ka yimid magaalada Gotenberg ee dalka Sweden.

Diyaaradda ayaa soo martay magaalada Athens ee xarunta dalka Greek.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho
Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Diyaaradda ayaa la sheegay in duulimaad ka sameen doonto dalalka Sweden iyo Ingiriiska, waxaana la sheegay in ay si toos ah uga soo dagi doonto wixii hadda ka dambeeya.

Waa markii ugu horeysay 24-sanno kaddib ay soo caga dhigato garoonka diyaaradaha Muqdisho diyaarad rakaab ah oo ka timid waddamada Yurub.

Qaar ka mid ah rakaabka la socday diyaaradda Olympic Fly ayaa la arkaayay iyagoo faraxsan oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com