Document caddeyn ah: SH/HOOSE iyo beelihii ugu badnaa ee soo maamulay

Marka (Caasimada Online) – Dhowaanahan waxaa gobolka Shabeellaha Hoose ka jiray dagaal beeleedyo u dhaxeeyey dadka deegaanka iyo beesha Biyo-Maal, oo sheegtay inaysan jirin cid aan ayaga ahayn oo sheegan karta gobolka.

Dagaallada ayaa ka dhashay markii beesha Biyo-Maal ay sheegtay in beelaha kale ee gobolka sida Hawiyaha iyo Digil iyo Mirifle aysan waxba ku lahayn gobolka, sidaa darteedna ay ayaga un gobolka maamulayaan, kadibna ay dilal dhowr ah ka geysteen gobolka.

Xaqiiqda jirta ayaa ah in gobolka ay wada dagaan saddexdan beelood, hase yeeshee ay deegaan ahaan gobolka Shabeellaha Hoose ay u badan yihiin beelaha ku abtirsada Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, sida laga dareemi karo degmooyinka iyo tuullooyinka ay gobolka ka degaan.

Gobol dadka deegaanka u leh waxaa caddeeya taariikhda gobolka iyo dadkii ugu badnaa ee soo maray reeraha ay u dhasheen.
Document ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaya dadkii ugu badnaa ee soo maamulay gobolka Sh/hoose ama laga soo doortay gobolkaas.

Inkasta oo gobolka ay kasoo taliyeen dad kasoo kala jeeda beelo badan, ayna dhab tahay in gobolka la wada dego, haddana waxaad ka garan kartaa warqaddan dadkii ugu badnaa ee soo maamulay gobolka, taasi oo caddeyn u ah in ayaga ay u badan yihiin gobolka.
Waxa ay tani beenineysaa sheegada Biyo-Maal-ka iyo dadka gadaal kasoo riixaya ee ah in Hawiye gobolka xoog ku qabsadeen kadib 1990-kii.

Halkan kala deg docemnt PDF ah, ama hoos ka arag.

Doceument Caddeyn ah 

Caasimda Online
Xafiiska Marka Caddey
Caasimada@live.com