Waxaa wax laga xumaada ah waxshinimana ku dhisan indha adeygga Faarax C/qaadir. Ninkani asagoo wata darajadii cadliga ee waddanka ugu sarreysey Wasiirka Garsoorka) ayuu wuxuu ku dhawaaqay caddaaladii ugu xumeyd oo weliba ka sii hooseysa tan habar-dugaagga.
Waxaa mar kale wax laga xumaado ah in shaqsi noocaas ah gacanta loo geliyo cadaaladii qaranka, waxaan u jeedaa waddanku wuxuu leeyahay dastuur iyo baarlaman ay tahay in ay ayagu ansixiyaan kadib marak ay baaris ku sameeyaan sameynta maamulada, laakiin wasiirka garsoorku arrintaas wuxuu ka soo qaaday wax kama jiraan, oo dastuurkii iyo baarlamaankii waxaa kala qiime batay in uu naas nuujiyo Axmed Madoobe oo ay xidid yihiin, iyo Shariif Sakiin oo aan qaranimo iyo siyaasad ahal u ahayn.
Waxaa la yiri shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaa, waxaan uga jeedaa sida aan ogahay Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir labaduba waa ajaanib aan u dhalan waddanka Somalia, marka sharaf bay u tahay in maamulo booliya oo ay wataan ajaanib ay ku farxaan una shaqeeyaan.
In Faarax C/qaadir oo kale uu noqdo wasiir garsoor, yahayna ninka ugu dhow madaxweyna Somalia waa ayaan darro ummad ku dhacda tan ugu weyn. Faarax wuxuu ahaa ninkii gacanta u geliyey gobollada Jubbooyinka saaxiibkiisa kale ee ajnabiga la ah (Axmed Madoobe), maamulkaas oo aan sinna u waafaqsaneyn shuruucda waddanka, xitaa Baarlamaanku uusan weli ansixin.
Waxaan wada ogsoonahay tacdiyada Axmed Madoobe ku sameeyey dadka u dhashay goboladaas oo Kenya oo dano gaar ka leh ay gacanta ugu siiso mar kasta. Waxaa kale ee Faarax qalinka ku duugey maamulo kale oo saddex gobol ah oo asna sharci darro ah.
Waxaan shacabka Soomaalida ee koonfurta ku baraarujin lahaa in ay hurdada ka kacaan oo meel uga soo wada jeestaan ragga ajaanibta ah oo waddankoodii googoynaya una gacan gelinaya dalalka deriska ah ee ayaga gumeysta, waayo waxa socdaahi waxay cay iyo sharaf dhac ku yihiin ummadda Soomaaliyeed, haddeynaan hadda ka gilgilaninna, waxaa la idin gaarsiin doonaa mar xitaa aydnaan awoodin in aad ka dhiidhisaan waxa socda.
Dowladda daawaneysaa dalkeed oo ajaanib u shaqeeya dalal kale, IGAD oo asna haada u xuubsitey beelo u shaqaynaya dalalka deriska ah iyo Mr. Kay oo Ingiriis ah oo awowgiis ahaa kan Somali qaybiyey oo isticmaar madow gacanta u geliyey. Taasi dowlad ma ahee oo waxay meesha u fadhiyaan in waddankooda lagu baabi’iyo ee ka feejignaada.
W/Q: Cabdirizaaq Fiqi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid