Warar ku soo kordhay BAADI-GOOBKA Canada ee taliyaha booliiska SOMALIA

Toronto (Caasimada Online) – Warbixin lagu qoray Wargeyska Toronto Star ee ka soo baxa dalka Canada ayaa lagu sheegay in dowladda dalkaas ay baadi-goob ugu jirto taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Xasan Ismaacil Faarax kaddib markii la sheegay in uu galay dambiyo dagaal intii ay jirtay dowladii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

Canada, oo muddo raadineysay Maxamed Xasan, ayaa iminka si rasmi ah u ogaatay xilka loo magacaabay, waxaana suurta gal ah inay dalab u dirto dowladda Somalia, si loogu soo wareejiyo.

Wargeyska oo soo xiganaya Waaxda dib u dajinta qoxootiga dowladda Canada ayaa sheegay in taliyaha booliska loo heesto eedeemo culculus oo ku aadan dhinaca aadanaha kuwaasoo uu mas’uul ka ahaa xilligii ay jirtay dowladii millitariga.

Taliyaha booliska ayaa eedeemaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah in uu jirdil iyo tacdi kale uu kula dhaqaaqay dad rayid ah kuwaasoo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla gobalada waqooyi ee hadda la baxay Somaliland sidda lagu sheegay warbixinta wargeyska.

Dowladda Canada ayaa sheegtay ninkan in uu 7-sanno ku noolaa dalka Maraykanka balse markii dambe uu u soo cararay dalka Canada, balse marki la ogaaday in uu yahay dambiil dagaal in uu u cararay dalka Soomaaliya oo uu hadda ku nool yahay, sidaas Wargeyska ayaa qoray.

Dowladda Canada waxaa kaloo ay sheegtay in baadigoobeyso taliyaha booliska Soomaaliya isla markaana ay dooneyso in ay sharciga hor keento maadama uu yahay dambiile dagaal.

Wuxuu mas’uul ka ahaa dambiyo dhacay sannadkii 1984-tii xilligaas oo madax ka ahaa booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay warbixinta.

Wargeyska ayaa xiriir la sameeyay xafiiska ra’iisal wasaaraha si ay uga jawaabaan eedeeha loo soo jeediyay taliyaha booliska balse jawaab kama helin sidda lagu qoray Wargeyska Toronto Star.

Si kastaba, ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo qudhiisa heesta dhalashada dalka Canda ayaa u magacaabay Maxamed Sheekh Ismaacil Faarax taliyaha booliska kaddib markii dhawaan la isku dyay in lagu dilo weerar lagu soo qaaday xarunta madaxtooyada xilli habeen ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Canada

Caasimada@live.com

Halkan ka arag warbixinta wargeyska The Toronto Star

Halkan ka daawo video-ga dambiyadii General Maxamed

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Canada

Caasimada@live.com