Shirkii Baydhaba oo loo joojiyay kan ka socda Kismaayo (Sidee wax u jiraan?)

Baydhabo (Caasimada Online)-War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in shirkii Baydhabo ka socday uu hakad ku yimid kaddib markii ergooyinka ka qeybgalaya ay ka soo horjeesteen shirka kale ee ka furmay Kismaayo.

Wariyaha Idaacadda Risaale uga soo warrama Baydhabo ayaa sheegay in ergooyinka shirka Baydhabo ka socday ay ka soo horjeesteen shirka Kismaayo iyagoona sheegay inta uu shirkaas socdo in uusan jirin wax shir ah oo ka dhacaya Baydhabo.

Mar la weydiiyay xilliga uu shirka dhacaayo, waxa uu sheegay in ilaa hadda aan la ogeyn xilliga uu dib u furmaayo shirka Baydhabo.

Ma cadda wax yaabaha keenay in shirka Baydhabo uu hakad ku yimaado, waxaana shaley Baydhabo ka soo tagay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Jawaari oo maalmahan halkaas ku sugnaa.

Waxaa kaloo magaalada ku sugan xildhibaanno iyo wasiiro u tagay magaalada siddii loom eel marin lahaa mamaulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Faah-faahinta warkan kala soco Caasimada Online