25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawirro: Rubuc dhallinyaradda Italia ka mida waa xashiish-cabayaal (Daraaso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Malta (Caasimada Online) – Daraasaad sannadeedka Waaxda La-dagaalanka Daroogadda ee Talyaaniga ayaa soo bandhigtay inay aad u kordhayso tiradda Dhallinyarradda Talyaaniga ee da’da Tobaneeyo jirka (Teenagers).

Afartii dhallinyarro mid ka mid ah waxa uu igu yaraan hal mar isticmaalay daroogo sannadkii la soo dhaafay. Daraasaadda waxaa lagu xusay in la wareystay 31,661 arday oo da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 19 jir, waxaana la ogaaday in 23.46% inay Xashiish isticmaaleen sannadkii hore.

Tiradda ayaa muujinayso inay 2% sare u kacday tan iyo sannadkii 2013-kii, xilligaasi oo ay tiraddu ahayd 21.56%. Wargeyska La Stampa ee ka soo baxa Talyaaniga ayaa xusay in tiro aad u tar o oArday ah laga helay inay isticmnaaleen Daroogadda khatar ah ee Koka’iin (1.58% marka la barbar dhigo sannadkii 2013-kii oo ahayd 2.05%).

Sidoo kale, Daroogadda Herowiin (Herin) waxay hoos uga dhacday 0.21% halkii ay horey ka ahayd 0.36%. Daroogadda Xashiishka (Cannabis) oo aad looga isticmaalo guud ahaan dalka Talyaaniga waxaa la ogaaday inay sii kordhayaan.

Xogta Warbixinta ayaa lagu sheegay in 17 magaallo aad looga isticmaalo Xashiishka, iyadoo 10.96% korodhay isticmaalka Xashiiska. Inkastoo ay Talyaaniga sharci-darro tahay isticmaalka Xashiishka, waxaa aad u sii kordhayo isticmaalka Marjuwaanaha.

Warbixinta waxaa lagu soo qaatay dadka u dhinta isticmaalka Daroogadda, waxaana la sheegay in tiradda dhimashadda Daroogistayaasha ee sannadkii hore ahayd 344 dhimasho, marka loo qiyaaso sannadkii 1999-kii, oo ay 1,000 qof u geeriyoodeen Daroogadda.

Bilowgii bishan, Milliteriga Talyaaniga waxay sheegeen inay qorshaynayaan sidii loo saari laaha daawo laga farsameeyey daroogadda khatarta ah ee Marjiwaanaha.

Waxayna soo-saarista Daawada daroogadda laga farsameeyey laga bilaabay Wershad ay Ciiddanka Talyaaniga ku leeyihiin magaalladda Florence.

Malta malta 9 malta 8 malta 5 malta 6 malta 7 malta 4 malta 3 malta 2 malta 1

Caasimada Online

Xafiiska Malta

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News