25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

PUNTLAND oo u jawaabtay QEYBDIID !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaradda Duulista hawadda iyo garoomadda maamul goboleedka Puntland, ayaa ka jawaatay eed dhanka Galmudug uga timo oo salka ku haysa is hortaag lagu sameeyay garoon diyaaradeed oo sanadkii hore la halkaas hirgaliyay.

Wasiirka wasaradaasi Xasan Cade oo waraysi siiyay Caasimada Online, ayaa sheegay inaysan Puntland diidin garoon diyaaradeed oo laga hirgaliyay Gaalkacyo, balse arrinta la isku hayo ay tahay masaafada ay isku jiri karaan garoonkii horay magalada uga jiray iyo kan Galmudug ay dhisatay.

Xasan Cade ayaa tilmaamay in la siyaasadeeday arrintan, balse aysan wax saamayn ah ku lahayn siyaasada dalka, islamarkasna loo baahan yahay in laga fekero marka garoon diyaaradeed la dhisayo saamaynta uu yeelan karo.

Xasan Cadde
Xasan Cadde

Madaxwaynaha Galmudug oo la hadlay shalay BBC ayaa sheegay Puntland inay caburin iyo cadaadis ku hayso Shacabkooda, ayna arrintaasi u dulqaadan doonin, wuxuna ku eedeeyay Puntland inay iska maamulanayso garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo ka mid ah garoomadda Dowladda.

Qeybdiid ayaa sheegay in Puntland ay diyaaradhii ka degi lahaa garoonkiisa ugu hanjabtay inay shatiga garoonkooda kala noqonayaan, taasi oo diyaradaha ku qasabtay inay qaadacaan garoonka Gal-Mudug, si ay u dhowrtaan suuqa iyo macaamiisha ay ku lee yihiin garoonka Cabdullahi Yuusuf.

Qaybdiid waxa uu ku goodiyay haddii aan waxba laga qaban warqada dacwad ah ee uu ka gudbiyay Puntland uu tilaabo qaadi doono, wixii ka dhashana uu mas’uul ka yahay Gaas.

”Si looga hortago dhibaato colaadeed oo ka dhacda degaamadaas waxaan ka codsaneynaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Bulsahd Caalamka in garoonka Qaran ee ku yaala magalada Gaalkacyo arrinkiisa wax looga abto mudo saddex bari laga bilaabo 21 September 2014 ilaa 24-ka, arintaasi cawaaqib xumadii ka dhalatana masuuliyadeeda, waxaa qaadaya hoggaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas” ayuu yiri Qeybdid.

Ma jirta cid kasoo jawaabtay warqadan uu Cawaale u diray DF.QM,IGAD iyo Midowga Yurub hase yeeshee waxay kusoo aadaysaa xili uu xun yahay xiriirka Puntland iyo Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News