Beesha Wacaysle oo Muqdisho ka soo saartay go’aanno ka kooban 6 qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahanno, Culuma’udiin, Dhallinyarro iyo Haween ka tirsan Beesha Wacaysle ayaa waxay maanta magaalladda Muqdisho ku yeesheen Shir ballaaran oo ay kaga hadleen qorshaha Dowladda ee Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ee Somalia.

Kulankaasi waxaa ka hadlay Cabdullaahi Cali Taakow, Ciise Siyaad Hiraabe, Cabdi Suudi Hiraabe (Suusac), Muxumed Taranbi, Nabadoon Shucayb Jimcaale, C/llaahi Geeddi Shadoor iyo Ciise Macallim Maxamuud, waxayna sheegeen inay Beesha Wacaysle ka soo horjeedo Maamul-u-samayntaasi.

Afhayeenka Beesha Wacaysle, Cumar Cali Shaambi ayaa gebagebaddii Kulankaasi ka akhriyey War-murtiyeedkii laga soo saaray shirkaasi, waxaana ka mid ah qoddobaddan:-

  1. Beesha Wacaysle waxay soo dhaweynayaan dadaalka Shacabka Sooomaaliyeed ugu jiraan dib-u-soo-nooleynta Dowladnimadda, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in la tixgeliyo rabitaanka Ummadda.
  2. In Maamul-u-samaynta Dowladda ee Goballadda Dhexe meel ka dhac ku yahay Beesha Wacaysle, kana horimaanayo Dastuurka Qabyadda, gaar ahaan qoddobka 49-aad, farqadiisa Lixaad, kaasi oo qeexaya in 2 ilaa 3 Gobal samaysan karaan Maamul-gobaleed.
  3. Beesha Wacaysle waxay ka xun tahay go’aanka qaldan ee Dowladda, iyadoo aysan Beesha xubin ka ahayn Guddiga Saxiixayaasha.
  4. Beesha Wacaysle, waxay cambaaraynayaan go’aanka Guddiga Saxiixayaasha .
    Inaan Beesha Wacaysle ka war-haynin, lagalana tashanin Mamaul-u-samayntaasi
    · Waxay Beesha Wacaysle ku talinaysaa inaan colaad iyo dhibaato laga dhex abuurin Walaalaha wada deggan Goballadda Dhexe.
  5. Odayaasha Dhaqanka iyo dhamaan qeybaha Bulshadda ee Beesha Wacaysle waxay go’aansadeen inay la midoobaan Goballadda kale ee deriska ee ay wadaagaan dhaqanka, dhalashadda.
  6. Dowladda Federalka iyo Xafiiska UNSOM iyo cidda ay khuseyso waxaan u sheegaynaa inaysan Beesha Wacaysle ka mid ahayn Guddiga Saxiixayaasha Mamaul-u-samaynta Goballadda Dhexe,

Qoraalka waxaa si gaar ah loogu xusay inay Beesha Wacaysle oo deegaan degtaa dhulka xeebleyda ee Bariga Gobalka Galgaduud iyo Degmadda Xarar-dheere ee Gobalka Mudug waxay si wadajir ah gaashaanka ugu dhufteen qorshaha Dowladda ee lagu doonayo in Maamul loogu sameeyo Goballadda Dhexe ee Somalia.

wac1wac2