SOOMAALIDA ZAMBIA oo lagu kacay!!

Nairobi (Caasimada Online) – Xafiiska Waaxda Socdaalka Zambia ku leeyihiin Gobalka Ndola, waxay soo masaafuriyeen 10 Muwaadin oo Somali ah, kuwaasi oo la sheegay inay si sharci-darro ku soo galeen dalkaasi.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Times of Zambia ee ka soo baxa caasimadda dalka Zambia ee Lusaka waxay Saraakiisha Waxada Socdaalka gacanta ku dhigeen 9 Somali oo si tahriib ah ku soo galay Zambia, waxaana loo gudbiyey Xeradda Qaxootiga ee Mehaba oo ay ku jiraan boqolaal Qaxooti ka kala yimid dalalka Somalia, Sudan, Ethiopia, South Sudan iyo Tanzania.

Dhinaca kale, Wargeyska Times of Zambia ee ka soo baxa caasimadda dalka Zambia ee Lusaka waxay Saraakiisha Waaxda Socdaalka bilaabeen hawlgal lagu soo qabanayo Shisheeyaha Sharci-darradda ku jooga dalkaasi, oo ay Soomaalida ku jiraan..

Hawlgalka ugu weyn ayaa waxa uu ka dhacay Bartamaha magaalladda Livingstone, halkaasi oo lagu soo qabtay 20 qof oo u dhalatay dalka Tanzania.

Badankooda ayaa la sheegay inay wateen Dukumentiyadda Safarka oo la been abuuray. Tallaabooyinka ayaa waxaay dhaliyeey in Soomaali badan ay soo food saarto xaalad cabsi iyo kala carar ah.

Xigasho: Times of Zambia

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com