Gobollada dhexe oo wajahaya XAALAD siyaasadeed halisa & beelo carreysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay mudooyinkaani kac-saneyd Siyaasadaha ka taagan goboladda dhexe, ayaa waxaa iminka lasoo warinayaa in halkaasi ay ka taagan tahay xiisado dagaal oo salka ku haayo Awood qeybsi.

Kulan ay Magaalada Muqdisho isugu yimaadeen odoyaal iyo siyaasiyiin ka tirsan beel ka tirsan beelaha Somaliyeed ee wax ka dega gobollada dhexe ayaa waxa ay kaga soo hor jeesteen habka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay u martay maamul u sameynta goboladda dhexe ee dalka.

Kullanka oo ahaa mid Wakhti badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha DFS ay ka damacsan tahay Goboladda dhexe, waxa ayna Beeshaasi gaashaanka ku dhufatay inay ka qeybqaadan doonaan dhibaatooyinka ka taagan goboladda dhexe waa haddii ay DFS xasuusan weyso xuquuqdooda.

Kasoo qeyb galayaasha kulanka ayaa dowladda federaalka waxa ay ka codsadeen in dib u eegis ay ku sameyso habka uu ku socdo shirka lagu mideynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale, Beeshaasi, ayaa waxa ay wacad ku martay haddii ay DFS duudsato xuquuqdooda ay muujin doonaan awoodahooda, waxa ayna Dowlada ugu baaqeen inay xal ka gaarto Arrimaha goboladda dhexe.

Sidoo kale, Caaqil Cabdullaahi Cali oo ka mid aha masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa ku tilmaamay qaabka ay dowladda Federaalka Soomaaliya wax u wado mid aan lagala tashan.

Odayaasha ka soo jeeda beeshan ee ka cabanaya cadaalad darrada ayaa qeyb ka ah maamullada gobolada Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Horey ayaa waxaa dhismaha maamulka gobollada dhexe u diiday beelo badan oo ka mid ah kuwa degan gobolka, xilii ay dowladda federaalka isku dayeyso inay qasabto hir-gelinta maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com