Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka goor dhow lagu daadiyay inta badan Magaalada, gaar ahaan Dhanka Waqooyi.
Wararku waxa ay nagu soo gaarayaan in Ciidamadaasi ay wataan gaadiidka Dagaalka kuwooda gaashaaman, waxa ayna Farisimo ka sameysteen Waqooyiga Magaalada, oo ay Puntland maamusho.
Saraakiisha Laamaha ammaanka ayaa la tilmaamayaa in iyaga iyo gaadiid Ciidan ay si gaar ah u gaafwareegayaan wadooyinka Magaaladaasi, kuwaas oo la sheegay in ay ka hortagayaan Weeraro Ciidamada Maamulka Galmudug ay ku qaadaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen.
Dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Ciidamada Maamulka Puntland, ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmahaani uu soo ifbaxaayay Khilaaf xoogan oo u dhexeeyo Maamulada Puntland iyo Galmudug oo wada daga Gobolka mudug, kaasi oo salka ku haayo Xanimaad Maamulka Puntland uu saaray Garoon Diyaaradeed ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo oo Galmudug ay Gacanta ku hayso.
Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal dhex mara Puntland iyo Galmudug, waxaana weli arrintaani aan ka hadal Saraakiisha Ciidanka labada dhinac.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho