25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Siyaasi ka shifay naas-nuujinta DFS ee Amisom & baahida ciidamada Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan la baahiyay warar sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ay lacag guno ah siiso Ciidamada AMISOM, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Siyaasiyiin inbadan la socda Siyaasada dalka.

Idiris Xasan Faarax oo kamid ah Siyaasiyiinta Dalka ee xiligaani ku nool dalka dibadiisa ayaa waxa uu sheegay in Dhaqaalaha ugu badan ee la siiyo DF ay ku bixiso Ciidamada AMISOM.

Siyaasiga waxa uu sheegay in qarashaadka wadamada caalamka ugu yaboohaan Somalia lagu bixiyo howl galka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM iyo sidoo kale howl gallada lagula dagaalamo burcad badeeda soomaalida.

‘’Wey jirtaa wax qarsoon mahan in dhaqaalaha loogu tallo galay in lagu dhiso dalka ama wax loogu qabto bulshada ay DF ku bixiso Ciidamada AMISOM iyo meelo aan loogu talo galin’’ ayuu yiri, waxa uuna intaa raaciyay in Ciidamada Midowga Africa ay leeyihiin mushaaraad gaar ah, hadana ay DF sii say dhaqaale adag.

Waxa uu Tilmaamay in Ciidamada DF ay baahi la qaban la yihiin Howlaha loo igmaday, wuxuuna taasi ku sheegay mid nasiib daro ah.

Sidoo kale, siyaasi Idiris ayaa meesha ka saaray in lacagahaasi Soomaaliya loo ballan qaaday marnaba aan dalka la soo gaarsiin.

Idiris  ayaa sidoo kale, madaxa ka ruxay hadalkii dhawaan uu sheegay madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in weli Beesha caalamka aysan si dhab ah u fulin ballan qaadkii ay sameeyeen.

Dhanka kale, Haddalka Siyaasiga ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay Ciidamada Dowlada Somalia ee ku jira furumaha aysan heysan wax mushaar ah, halka kuwa AMISOM ay iyaguna qaatan laba mushaar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News