XOG: Sirta & lug-gooyada ka dambeysa qorshaha UAE ku dhiseyso xarunta BF

Muqdisho (Caasimada Online) –Ā Dowladda Emirate-ka Carabta oo ka maseeyrsan Mashaariicda iyo waxqabadka Dowladda Turkiga ee Somalia ayaa markii ugu horeeysay ku guuleeysatay inay is hortaagto ballanqaadkii Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga ku shaaciyay iney dhisayaan Xarunta golaha shacabka Somalia.

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Ahmed Dā€” oo khudbad ka hor jeediyay Baarlamaanka Somalia ayaa hore u ballanqaaday inuu qaab casriya u dhisi doono Xarun cusub oo Baarlamaanka Somalia ku qabsan doono hoowlahiisa shaqo.

Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa qaadacday qorshaha Turkiga waxaana Muqdisho lagu qabtay kulan Xildhibaanada lagu tusiyay naqshada cusub ee dhismaha Golaha shacabka.

Kulanka naqshada lagu soo bandhigay ee Dowladda Emirate-ka qaban qaabisay waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Somalia Mahad Cawad .

Mahad Cawad wuxuu ka mid yahay Madaxda Dowladda Somalia ee dagaalka xoogan ugu jira in la fashiliyo mashaariicda horumarka Muqdisho, oo aanĀ la aqoon sababta ay u dhibeyso.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa si xoog leh Somalia usoo gashay kadib maseyr ay ka qaaday mashaariicda horumarinta Turkigu ka wado Soomaaliya, waxaana dhinaca kale ay martigelisay Siyaasiyiin caana oo laga tilmaami karo Madaxweynahii hore Shariif Sheekh Ahmed, Raā€™isul wasaarahii hore Saacid Shirdoon.

Is hortaaga Mashaariicda Turkiga ka wado Somalia waxay u adeegsaneysaa shaqsiyaad laga tilmaami karo Mahad Cawad, Xildhibaan Cadow, Xildhibaan Sanyare, Xildhibaan Xidig iyo xildhibaanoĀ kale, oo dagaal aan sababtiisa la aqoon, marka laga reebo qabyaalad kula jira Muqdisho.

Mashaariicda Emirate-ka is hortaagtay waxaa ka mida mashruuca Balaarinta dhismaha Dekedda Muqdisho oo uu Turkigu doonayo inuu ka dhigo mid caalamku ganacsiga ku kala wareegsado, balaarinta dekeda muqdisho oo Turkigu wado ayaa Imaaraadka carabta u arkay mid caqabad ku ah Dekedaha UAE ee ay ka midka yihiin Dubai, Abu Dubai iyo Cajmaan, oo inta badan Somalia iyo dalalka geeska Africa wax looga soo dhoofiyo

UAE ayaa hawlaha ay ka qabanayso Somalia daba socdaan kuwo lagu horjoogsanayo mashaariicda Mustaqbalka weyn u leh Soomaalida ee Dowladda Turkey ka wado Somalia.

UAE ayaa sidoo kala tagtay dekeda Kismaayo iyada oo uga hor maraysa Dowladda Turkiga, balse illaa iyo hadda wax qabad rasmi ah loogamaĀ jeedo.

UAE ayaa dekedaha Jabuuti iyo Yemen hore ula wareegtay iyada oo u isticmaasha qaab Bakhaaro ay ku keydsato konteenarada ku bata dekedaha Imaaradka Carabta.

Dowladda Somalia iyo Dowladda Turkiga ayaan labadaba ka hadlin caqabadaha loo dhigay balanqaadkii Turkiga ee dhismaha xarunta Baarlamaanka. Waxaan sidoo kale arrintan darreensaneyn dadka ka dhashay Muqdisho.

Dowladaha maseyrka ku yimid waa in Soomaalidu ogaataa in abaalkeeda inta badan u hayaan Madaxweynaha iyo Shacabka Turkey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com