Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online ugu xog warrantay dhowr maalmood ka hor, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Alxaaji Xasan Sheekh Maxamuud Culusow ayaa maanta u ambabaxay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.
Madaxweynaha waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxda Dowladda Faransiiska iyo Mas’uuliyiinta Shirkaadda Faransiiska ee TOTAL ee u qaabilsan dhinacyadda Sahminta iyo Soo-saarka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.
Wararka ku dhowdhow Qasriga Madaxtooyadda, ayaa tilmaamay inuu Madaxweynuhu casuumaad ka helay Madaxda dalka iyo kuwa Shirkadda TOTAL, si ay uga wada hadlaan qorshaha Shirkadda TOTAL ee ay Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga uga baari lahaayen gudaha dalka Somalia.
Shirkadda Shidaalka ee TOTAL waxaa la asaasay Dagaalkii Koowaad ee Adduunka kadib, waxayna ka mid tahay Shirkadaha ugu horreeya eeku takhasusay baaritaanka iyo soo-saarista Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga, waxayna ka hawlgalaan in ka badan 100-dal.
Madaxweynaha waxaa lagu wadaa inuu bishan 17-da dib ugu soo laabto magaalladda Muqdisho.
Dhinaca kale, Shirweyne looga hadlayo Horumarinta Wax-soo-saarka Shidaalka Somalia ayaa lagu wado inuu bishan 20-da ka furmo caasimadda dalka Britain ee London, kaasi oo looga hadlayo Horumarinta hawlaha Sahminta ee Shidaalka Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]