IGAD iyo QM oo cadaadinaya Gaas iyo shir degdeg ah oo Garoowe ka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in Magaaladaasi ay gaareen Wafdi ka socda IGAD.

Wafdiga ayaa waxaa la sheegayaa inuu Hoggaaminaayo wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan Somalia Maxamed Cabdi Afey, iyagoona halkaasi kulamo deg deg ah kula qaatay Maamulka Puntland iyo Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed oo iminka uu u bilowday Is fahan Siyaasadeed Cusub.

Wararku waxa ay sheegayaan in ujeedka wafdiga uu yahay ka qayb qaadashada munaasabad lagu saxiixayo heshiis hordhac ah oo Dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland wada gaareen.

Heshiiska ay ka qeybqaadanayaan IGAD, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaadan doono danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliya Nicholas kay iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa, iyagoona goob joog ka ahaan doono Heshiiska labada dhinac, walow ay warar hoose sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli gaas lagu cadaadinaayo inuu dhaqdhaqaaq waliba la socodsiiyo Xukuumada Somalia.

Sidoo kale, Ujeedka Wafdiga ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu yahay mid lagu soo afjaraayo Khilaaf mudo soo jiitamaayay oo ka dhex aloosnaa bilihii u dambeeyey Dowlada Federaalka iyo Puntland.

Waxaa hadda Magaalada Garoowe ka socda dadaalo lagu soo dhaweynaayo Wafdiga Qaramada Midoobay ee uu Hoggaaminaayo Nicholas kay.

Dhanka kale, Xog hoose ayaa waxa ay tibaaxeysaa in IGAD iyo QM ay C/weli Gaas ku amreen inuu u hogaansamo Amarada Xukuumada Somalia, iyadoona looga digay in Gaas uu maro wadadii uu maray Madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole oo aalaba ka shaqeyn jiray Carada Xukuumada Somalia.

Puntland ayaa horay u sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal ay la furto dowladda dhexe ee Muqdisho fadhigeedu yahay, inkastoo ay sheegtay inaysan diyaar u ahaan doonin xad gudub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com