DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Baar Ubax, waxaana la soo sheegayaa in Qaraxaasi uu ahaa mid lagu weeraray Taliye Bolis oo magaciisa lagu sheegay Carab Jeelane, waxaana la soo warinayaa in Qaraxa ay ku dhaawacmeen Laba ruux oo shacab ah.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay gaariga Taliyaha waxaana la soo sheegayaa inuu ka bad-baaday Taliyaha Qaraxaasi.

Dhanka kale, Qaraxa ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad oo 24-saac gudaheeda ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com