Sawirro: Jaaliyadda Puntland oo casho sharaf u samaysay Dr. Baadiyoow

(Caasimada Online) – Waxaa magaaladan Gothenburg xaflad casho sharaf ahayd oo maamuus iyo sagootin ah loogu sameeyay Dr Abdurahman M. Abdullahi (Baadiyow) oo ah gudoonka Xisbiga Midnimo Qaran.

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen dadwayne fara badan ayaa waxaa soo agaasimay jaalliyadda Puntland ee magaalada Gothenburg waxaana lagu qaadaa dhigay waxyaabo badan oo ku qotoma xaaladda uu dalku maanta marayo iyo sidii dhanka wanaagsan wax looga eegi lahaa.

Waxaa kulanka ka hadlay marti sharaf kala duwan oo ka socday jaaliyadda Puntland iyo dad kale oo Soomaaliyeed kuwaasoo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay inay qaaddo jid ka duwan midka qalloocan oo ay haatan hayso.

Dr Baadiyoow oo gebagebadii munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu u taagan yahay sidii oday Soomaaliyeed oo metelaya lana hadlaya cid kasta oo Soomaaliyeed isagoo soo jeediyay in si looga boxo dhibaatada dalka balan balisay loo baahan yahay in la bedelo caqliyadda umadda Soomaaliyeed iyo sida ay haatan u fikirayaan.

”Waxaanu isku daynay inaanu dowladnimo ku raadinno qabiil, kadibna dowladdii ayaa qabiilkii weerar ku qaadday, kadibna qabiilkii ayaa dowladdii dumiyay, lkn nasiib xumo qabiilkii wuu samayn kari waayay adeegyadii ay dowladdu qaban wayday” ayuu Dr Baadiyoow oo ku baaqaya in aan loo baahnayn in qabiil jir ahaan loola dagaallamo balse loo baahan yahay in la bedelo sida ay qabiilladu u fikirayaan iyo sida sirgaxan ee ay u fahamsan yihiin dowladnimada.

Dr Baadiyoow ayaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan bahwaynta Puntland usoo jeediyay inay cabashada yareeyaan balse ay taa bidaalkeeda gacan wayn ka gaystaan sidii ay isu fahmi lahayd ama iskugu soo dhowaan lahayd umadda Soomaaliyeed, maadaama aan la joogin xilli la is eedo iyo qof si gaar ah loogu eedi karo dhibaatada gaamurtay ee dalkii gubaysa.

Dr Baadiyoow oo la waydiiyay in ay doorasho nin iyo codkii ihi qabsoomi karto 2016-ka ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu sii saadiyo waxa naga dahsoon, balse uu hubo in waloow aysan haatan muuqanin awooddii iyo imkaaniyaadkii xilligaasi doorasho lagu qaban lahaa ay misna wax wanaagsan tahay in maanta laga wada hadlayo doorasho xor ah iyo xilliga la qabanayo, kadib xukumadii jabhadaha iyo baarlamaankii ay odayadu soo xuli jireen.

IMG_2212

IMG_2173IMG_2174IMG_2176IMG_2177IMG_2178IMG_2179IMG_2180IMG_2181IMG_2182IMG_2185IMG_2186IMG_2187IMG_2188IMG_2189IMG_2190IMG_2191IMG_2192IMG_2196IMG_2199IMG_2201IMG_2203IMG_2205IMG_2210IMG_2214IMG_2215IMG_2216IMG_2218IMG_2220IMG_2221IMG_2224IMG_2226IMG_2227IMG_2228IMG_2230IMG_2231IMG_2232IMG_2234IMG_2235IMG_2240IMG_2241IMG_2242IMG_2243IMG_2244IMG_2245

Maxamed Xaaji, Gothenburg, Sweden