ETHIOPIA oo HUB ku soo daabbuleysa Hargeysa & S/L oo sheegtay qorshaha

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Saraakiil ka tirsan Maamulka Somaliland, ayaa inoo xaqiijiyay in Dowlada Ethiopia ay hub kusoo daabuleyso Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Saraakiisha ayaa xaqiijisay in Hubkaasi uu u badan yahay kuwa lagula dagaalamo Maraakiibta, Diyaaradaha iyo Hubka loo adeegsado Banaanbaxayaasha.

Sargaalka ayaa waxa uu intaa ku daray in Ujeedka Hubka uu yahay in leysaga caabiyo Laba Markab oo ay Kireysatay DFS kuwaasi oo inta badan mushaaxa Badda, gaar ahaan qeybta soo xiga Maamulka Somaliland.

14-kii September, ayaa Somaliland waxay sheegtay in Ciidamada Badda Maamulkaasi ay iska caabiyeen Markab la sheegay in Dowlada Federaalka kasoo kireysatay Hay’addo Ajaanib ah lagu arkay Xeebaha Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Xeebaha Maamulka ay ku arkeen Markab u kireysnaa DF, wuxuuna Cadeeyay inay talaabo adag ka qaadi doonaan cida ku soo xadgudubta wax uu ugu yeeray Xeebaha Maamulka Somaliland.

Lama Oga baahiyaha keenay in Dowlada Ethiopia ay xiligaani Hubeyso Maamulka Somaliland, xili ay sheegtay inay ka qeybqaadaneyso soo celinta Xasiloonida Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com