Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah DF oo billaabay inay isaga baxaan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan Xubnaha siyaasiyiinta Xisbiyada mucaaradka ku ah dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa billaabay inay isaga baxeen Magaalada Muqdisho.

Xubnaha isaga baxay Muqdisho, ayaa waxaa la sheegayaa inay heleen xog ku saabsan in DF ay qorsheeneyso inay sii waddo siina xoojiso cadaadiska xoogan ee saaraan xubnaha Siyaasadda uga soo horjeeda DF Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaarkood lagu amray inay isaga baxaan Magaalada Muqdisho kadib markii ay Saraakiisha Dam-Jadiid ka war heleen warar sheegaya in Xisbiyada Mucaaradka ay bilaabeen Siyaasado lagu arbushaayo Dowlada Xasan Sheekh oo mar kale hamineysa inay kusoo laabato hoggaaminta dalka.

Sidoo kale, Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ee Boorsooyinkooda ka qaatay Magaalada Muqdisho, ayaa isugu tagay Magaalada Nairobi oo ay ka dhigteen xarun ay ku kala warqaatan.

Cadaadinta ay Dowlada Xassan Sheekh ku heyso Xisbiyada Mucaaradka ayaa waxa ay ka turjumeysaa habdhaqanka DFS ay la soo bixi doonta wakhtiga ka harsan doorashada.

Laamaha Ammaanka ayaa lagu wargaliyay inay Jeelka dhigaan Siyaasi waliba oo faragalin Siyaasadeed ku sameeya Dowlada Xassan Sheekh, waxaana hadda xiran dhowr siyaasi, ayada oo qaarna lasii daayey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com