DF Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo heshiis gaaray (Qodobo la filayo)

Garoowe (Caasimada Online) – Wada-hadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland shalay uga furmay Garoowe ayaa heshiis looga qodobadii lagu muransanaa ee khilaafka dowladda iyo Puntland sababta u ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in dhamaan 11 qodob ee laga doodayey shaley iyo maanta [ 9 Oct, 10 Oct, 2014] la isku af-gartey, iyadoo caawa loo xil saarey iney qoraal kooban kasoo diyaariyaan guddiyo hoosaad labada dhinac iska qabteen.

Qoralkaan ayaa la filayaa in maalinta berri ah loo gudbiyo Ra’iisal wasaaraha Somalia Cabdiweli Shiikh Axmad Maxamad iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas kuwaasoo la filayo iney saxiixaan, waxaana kadib idiin soo gudbin doonaa qodobada, Insha Allah.

Dhanka kale magaalada Garoowe waxaa ku soo wajahan wafdi ka socda beesha caalamka oo markhaati ka noqonaya heshiiska ay wada gaaraan Puntland iyo Federaalka, waxaana wafdigaas ka mida Wakiil Qaramada Midoobay Soomaaliya Nicholas Kay, Danjiraha Urur Goboleedka IGAD Maxamed Afey iyo Wakiilo ka socda Midowga Yurub, Maraykanka.

Hehsiiskaan la filayo in maalinta berri ah [ Isniin] ama Talaadada la saxiixi ayaa noqonaya kii Afraad ee dowlada Federaalka iyo dowlada Puntland kala sixiixdaan kuwaasoo dhamaantood aysan waxba ka hirgalin.

Dhowr bil kasta, Puntland waxa ay xiriirka u jartaa dowladda, kadibna waxaa dhaca wada-hadal lagu heshiiyo, oo haddana ay ka dambeeyaan cabashooyin cusub oo Puntland kasoo yeera.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com