Sawirro: Qarax lagu la’day oo caawa ka dhacay Muqdisho (Faah-faahin cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Sayidka ilaa Hotel Wehliye.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhashay Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa waxaana la sheegayaa in Qaraxaasi ay ku dhinteen dad kor u dhaafayo ilaa 10-ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo ilaa 15-ruux oo kuwada sugnaa gudaha iyo banaanka Baar Oromo Kafey oo ah goob laga cabo Kafeyga iyo raashiinka fud-fudud.

Gaariga qaraxa geystay ayaa la sheegayaa in la dhigay Iridka hore ee Goobtaasi ganacsiga, iyadoona mar qura ay dadku kawar heleen Qaraxa iyo uuro.

Goobjooge goobta Qaraxa ku sugnaa ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Qaraxa uu sababay gubashada gaadiid nooca raaxada ah oo yiilay wajiga hore ee Baarka, iyadoona uu Goobjoogaha sheegayo in goobta lagu arkaayay dad gubanaayay.

Dhanka kale, Qaraxa ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad oo Magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo markii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia loo dhiibay C/raxmaan Tuuryare.

1 2 3 4 5 6
8 9 10

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com