“Way adkaan doontaa in DF Somalia ay isku keento beelaha dega G/Dhexe”…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dhaliilo badan kasoo baxayeen qaab dhismeedka maamulka lagu mideynayo Mudug iyo Galgaduud, ayaa waxaa arrintaasi si adag u dhaliilay Siyaasi soomaaliyeed.

Cabdi Xaashi Cabdi Salaan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu dhaliilay qaabkii loo wajahay qorshaha shirka lagu dhisayo maamulka lagu mideynayo Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu Siyaasigu sheegay in DFS ay horseed u tahay qaska Gobolada dalka ka socda, waxa uuna sheegay in waxkama jiraan ay tahay qaabka loo wajahay shirka ka furmaya cadaado.

Cabdi Xaashi Cabdi Salaan, ayaa sheegay in DFS ay iska horgeyneyso Bulshada iyo Siyaasiyiinta ku nool Deegaanada Mudug iyo Galgaduud, waxa uuna carabka ku dhuftay in xukuumadda Somalia ay u muuqaneyso inay Mas’uul ka noqon doonto Siyaasadaha ka dhalan kara colaadaha oo ay ka dhex wado Mudug iyo Galgaduud.

Siyaasiga ayaa waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in isu keenida beelaha wada dega gobolada Mudug iyo Galgaduud ay caqabad ku noqon doonto DF, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in xukuumaddu ay waddo qaldan mariyaan guud ahaan qorshaha shirka dhismaha maamul goboleed loo sameeyo gobolada dhexe ee dalka.

Dhanka kale, Cabdi Xaashi Cabdi Salaan waxa uu Bulshada ugu baaqay inay kasoo horjeestaan Siyaasadaha qaska iyo dhibka keeni kara oo ay la daal-dhaceyso Xukuumadda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com