Ugaarsiga weriyayaasha oo Muqdisho dib uga bilowday iyo wariye maanta…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay goor dhow dhaawaceen Agaasimaha TV-ga Somalia Channel Xafiiska Muqdisho C/risaaq Cilmi Jaamac Black.

Aggaasimaha ayaa waxaa toogtay Seddex ruux oo ku hubeysnaa Bastoolado, islamarkaana saarnaa gaari kaarib ah, waxa uuna Agaasimaha xiligaasi ku sugnaa hooygiisa.

Aggaasimaha ayaa waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in iminka uu saaran yahay saalada Isbitaalka.

Sidoo kale, Wariyaal ka Shaqeeya TV-ka Somali Channel Xafiiska Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dhowr Xabadood ay Caloosha uga dhacday.

Waxaan weli la Ogeyn sababta ka danbeysay dhaawaca Weriyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com