Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada midowga Africa ee AMISOM, ayaa la sheegayaa in baalayaal ku yallay wadada Makka Al-Mukarama ay dhulka dhigeen.
Gawaarida ayaa la Tilmaamayaa inay ahaayen Kolonyo, kuwaasi oo jarjaray gabi ahaan inta badan baalayaasha ay ku xirnaayeen korontooyinka ku yaalla wadadaasi.
Jarida iyo jajabinta baalayaasha ayaa la sheegay inay saamay ku yeesheen adeegii koronto ee shirkadda korontada BECO, iyadoona inta badan Magaalada Muqdisho ay ku dhacday koronto la’aan.
Maxamud Faarax Cali oo ka mid ah masuuliyiin u hadashay shirkadda BECO ayaa sheegay in dhibaatadan ay si joogto ah ugu hayaan ciidamada ka tirsan AMISOM.
Waxa uu Tilmaamay in Koronto la’aan ay ku dhacday kummanaan qoys iyo shirkado macaamiil ahaa, isagoona cadeeyay in khasaaro ay ugu filan tahay adeega kala go’a ku yimid iyo burburka soo gaaray hantida shirkada oo ay ka mid yihiin baallayaasha ay burburiyeen.
Sidoo kale, Maamulka shirkada ayaa ku baaqay in Taliska AMISOM ay jawaab degdeg ah ka bixiso hantida ay burburisay, haddii aanay ka digtoonaan tallaaboyinka noocan oo kale ah ay la tagi doonaan maxkamad.
Dhanka kale, Arrintaani ayaa ah mid soo laalabata, waxaana AMISOM lagu eedeeya in gaadiidkooda ay kuwadaan xawaaro dheer.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]