2 qodob oo mid yaab uu lee yahay oo ay isku mari waayeen DF iyo Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Warar goordhow naga soo gaaray wadaxaajoodka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya iney jiraan qodobo ay isku waafaqi waayeen labada guddi ee wadahadalka u fadhiya xarunta Wasaarada Caafimaadka maamulka Puntland ee ku taal magaalada Garoowe.

Xog aan ka helnay xubno ka tirsan dhinacyada wadahadalka ka dhexeeya ayaa sheegeysa in qoraalka hordhaca ahaa ee loo gudbin lahaa Madaxweynaha Puntland iyo Ra’isal wasaaraha Somalia ku jiraan qodobo labada guddi isku-afgaran waayeen balse xalkooda iyo talada laga rabo madaxada sare.

Xubnahaan oo codsaday in aan magacooda la xusin ayaa sheegaya qodobada muranka dhaliyey inay kamid ahaayeen aqoonsiga shahaadada dugsiga sare ee ardeyda ka baxda dugsiyada sare ee Puntland. Guddiga wadaxajoodka u matalaya dowladda Federaalka ayaa soo jeediyey in shahaadada dugsiga sare yeelato caalamadda wasaaradda waxbarashada dowlada Federaalka Somalia ’emblem”.

Guddiga dowlada Federaalka ugu jira wadahadalka ayaa sidoo kale qaba in magaca Puntland meel kamid ah lagaga xuso shahaadada dugsiga sare tixraac gaar ah oo ay yeelaneyso Puntland iyo in ardeyda deegaanada Puntland aan lagu khasbin inay shahaadada u doontaan magaalada Muqdisho.

Qodabkaan Waxbarashada khuseeya ayaa sida aan xogta ku helnay ay Puntland diidan tahay, iyada oo guddiga wadhadalka uga qayb galayaa aaminsan yihiin in nidaamka waxbarashada dowladaha kamid ah dowlada Federaalka gabi ahaanba uu madax banaan yahay, sidaa darteedna aan meelna looga qoreyn magaca dowladda dhexe.

Dhinaca kale qodobada muranka dhaliyey ayaa waxaa kamid ah maamul u sameynta gobolada dhexe ee Somalia. Xubnaha ka socda Federaalka ayaa kusoo koobey in hadii uusan saameyn ku yeelaneyn Puntland la dhaqan galiyo dhismahooda.

Maamulka  Puntland xubnaha matalaya ayaa qodobka [ maamul u sameynta gobolada dhexe] sida u qoran yahay aan ku qanacsaneyn, balse raba in tafaasiil dheeraad ah laga bixiyo. Tusaale ahaan in la cayimo deegaanada.

Labadaan Guddi ayaa wararku sheegayaan in ay sugayaan Madaxweynaha Puntland iyo Ra’isal wasaarha oo maanta booqasho ku tagey Qardho iney soo dhex galaan.

Xubin ka tirsan guddiga Federaalka oo diidey magiciisa in la xuso ayaa Caasimada Online u sheegey in heshiis la gaari doono, balse caqabadda hortaagan tahay sida uu ku hirgali lahaa.

Xubnaha dowladda Soomaliya, ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay inay la yaab iyo amakaag ku noqotay in Puntland ay diiday in magaca dowladda federaalka ah lagu qoro shahaada dugisyada sare ee maamulkaas.

“Xaqiiqdii wax yaab leh ayay nagu noqotay dhibka arrintaas ku jiri kara, miyaanay Puntland ka mid aheyn Soomaaliya, ismaba lahayn qodob noocaas ayaa caqabad abuuri kara, balse waa qeyb ka mid ah dabeecadaha Puntland” ayuu yiri xildhibaan codsaday inaan magaciisa la xusin.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com