Kay oo soo kala dhex galay DF Somalia iyo P/L iyo qodob ee la isku hayey oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu isku soo dhoweeynayo maaamulka Puntland iyo dowladda federaalka oo isku khilaafay laba qodob, oo ka mid ah kuwii ay ka wada hadlayeen.

Kay ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe oo uu ka socdo Shirka wada xaajoodka maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Wararka waxa ay sheegayaan in Kay uu caawa la kulmay labada dhinac uuna u sheegay inay tanaasul sameeyaan, si wada hadalka uu u miro dhalo.

Xubno codsaday in aan magacooda la xusin ayaa sheegaya qodobada muranka dhaliyey inay kamid ahaayeen aqoonsiga shahaadada dugsiga sare ee ardeyda ka baxda dugsiyada sare ee Puntland. Guddiga wadaxajoodka u matalaya dowladda Federaalka ayaa soo jeediyey in shahaadada dugsiga sare yeelato caalamadda wasaaradda waxbarashada dowlada Federaalka Somalia ’emblem”, balse Puntland waa ay diiday. Dowladda waxa ay sheegtay in haddii aysan Puntland ogoleyn in calaamadda dowladda lagu qoro shahaadada, aysan iyana aqoonsaneyn.

Qodobka kale ee la isku hayo ayaa ah arrinta maamulka gobollada dhexe oo maamulka Puntland uu codsaday in deeganadiisa la caddeeyo.

Wararka waxa ay sheegayaan in Kay iminka uu ku guuleystay inuu isku soo dhoweeyo dhinacyada, lana filayo in heshiis laga gaaro qodobada la isku hayo, lana saxiixo berri subax.

Dhanka kale waxaa caawa fiidkii dib ugu soo laabtay Garowe wafdigii ay horkacayeen Madaxeynaha Puntalnd Cabdiweli Gaas iyo Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed, wafdigaasoo booqasho kooban ku tegey degmada Qardho kadib markii uu casumaad halkaas ugu fidiyey Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Waxaa la filayaa in Gaas iyo Cabdi Weli ay go’aan ka gaaraan laba qodob oo weli la isku mari la’ yahay, ayaga oo kaashaanaya Kay.

Caasimada Online 

Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com