“MARAAKIIB shisheeye ayaa nagu soo duulay, DFS ayaa laga war sugayaa”…

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa lagu sheegay in kalluumaysato kasoo jeeda wadamada shisheeye ay dhibaatooyin baaxad leh ku hayaan kalluumaysatada Soomaalida ah ee ku howlan ka faa’iideysiga Kheyraadka dalka.

Warkaani ayaa waxa uu kasoo baxay Xafiiska Cilmi Kullane Cali oo ah Wasiirka kaluumaysiga ee maamulka Ximen iyo Xeeb, waxaana lagu sheegay in kalluumaysatada shisheeyaha ahi ay badaha Somalia uga adeegtaan sida Muwaadiniin u dhashay dalka.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Kalluumeysatada Shisheeye ay xiligaani khatar galiyso nolosha kalluumaysatada Soomaalida ah iyo agabkooda kalluumaysiga.

”Waa arrin nagu soo laalaabatay, waayo kalluumeysatada Soomaalida kama jalaaban karaan Xeebaha Maamulka waxaa caqabad ku ah kalluumeysato shisheeye oo halis galinaaya nolosha iyo agabka kuwa Soomaalida, arrintaani DFS gaar ahaan wasaarada Kalluumeysiga ayaa looga fadhiyaa inay ka gaarto inta ay goori goortahay”

Waxa uu intaa ku daray ”Kulluumeysatada Soomaalida ayaa baahan kuwa shisheeye ayaa dhargan, taasi waa nasiib daro, waxaana nagu soo duulay doonyo nooca dheereeya iyo maraakiibta yar yar waxan jawaab ka sugeynaa DF”.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada badi ay ka taagan tahay Magaalooyinka Hobyo iyo Ceel-huur.

Waxa uu fariin u diray Xukuumada Somalia oo uu ugu baaqay inay la imaado nidaam looga gaashaaman karo Kulluumeysatada shisheeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com