Sawirro iyo xog: Xabsiga dhexe ee DF SOOMAALIYA oo isku beddelay SUUQ!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnayo ilo-wareedyo ka tirsan Taliska Ciidamada Asluubta Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegaya in gudaha Xabsiga uu isku bedelay suuq wax waliba lagu dhex iibiyo.

Taliska ayaa waxa uu soo Bandhigay Muqaadaraad iyo alaabo mamnuuc ka ah in gudaha xabsiga la geeyo, iyadoona ay arrintaasi ku eedeeyen dadka soo booqanaayo Maxaabiista iyo kuwa dhex jooga Xirada oo iyagunaMuqaadaraadkaasi si qarsoodi ah uga iibinaaya Maxaabiista.

Xuseyn Xasan Cismaan oo ah Taliyaha Ciidamada Asluubta Dowlada Federaalka ayaa sheegay in ay ku dhib qabaan Waalidiin iyo Dad soo Booqdo Maxaabiista oo waxyaabaha ka Mamnuuca xabsiga ugeeya Maxaabiista, halka qaarna ay wixii loo geeyo xabsiga ku dhex iibiyaan..

Xuseyn Xasan Cismaan, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen alaabo farabadan oo ay kamid ahaayen 700-Teleefan oo nuuca Gacanta ah iyo Maandooriyaha Xashiishka,Talyaha ayaa qeexay Cuntada in loo soo dhax galiyaya Maxaabiista.

Dhanka kale, waxa uu Talyaha ku goodiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga badeli doonaan kala iibsiga Maandooriyaha ka dhex socda Xabsiga.

2014-10-14-10.30.10-300x225 2014-10-14-10.30.43-300x225 2014-10-14-10.30.59-300x225 2014-10-14-10.31.17-300x225 2014-10-14-10.31.30-300x225 2014-10-14-10.32.12-300x225

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com