MUQDISHO: Nin ka yimid dalka Canada oo nin kale MASJID ku dhex gowracay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in nin dhawaan ka soo laabtay dalka Canada uu Habeenimadii xalay muqdisho ku gowracay ruux kale.

Gowraca ayaa waxa uu xalay fiidkii ka dhacay Masaajid ku yaala Degmada Kaaraan, gaar ahaan xaafada Arjantiin.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ninka dilka geystay lagu magacaabo Saciid Xuseen Raggow oo ku magac dheer ”Saciid Sodogey” iyadoo aanan la garaneynin sababtii ka danbeysay in ninkaasi lagu dhex gowraco Masjidka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabayay Saciid Sodogey uu isku deyay in uu ka baxsado goobtaasi, balse ay Ciidamada Boliska degmada ay gacanta ku dhigeen.

Dhanka kale, Dhacdadaan, ayaa waxay noqotay midda loogu hadalhaayo qaybo ka mid ah Degmada Kaaraan, waxayna noqoneysaa nooceedii ugu horeysay oo ka dhex dhacda Masaajid ku yaala xaafada Arjantiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com