Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumada Somaliya Ridwaan Xersi Maxamed, ayaa xog rajo beel leh ka bixiyey khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli.
Ridwaan Xersi, waxa uu shaaca ka qaaday in inuu adag yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Somaliya, islamarkaana uu gaaray heer aad u xun.
Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka oo maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Culima’udiinka Somaliyeed, ayaa wuxuu ka codsaday inay soo fara-geliyaan khilaafka culus ee ka dhex tolan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Sida uu sheegay Ridwaan, khilaafka labada dhinac, ayaa aad uga weyn sida ay dadka badankiisa aaminsan yahay, wuxuuna caddeeyey inuu rumeysan yahay in khilaafkan uu yahay kii ugu xoogga badnaa.
Wuxuu Culimada ugu baaqay in ay lagama maarmaan tahay kaalintooda marka xaajada ay meeshaan oo kale gaarto, isla-markaana ay khilaafaadka ku soo xaliyaan Shareecada Islaamka iyo midda dalka u degsan.
Wasiirka, ayaa wax muhiim ah ku tilmaamay in laga shaqeeyo, sidii leeskugu soo dhaween lahaa Madaxweynaha Dowladda Somaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada, oo khilaafkoodu uu jirsaday toddobaadkii labaad.
Culima’udiinka Somaliyeed, ayaa waxay soo dhaweeyeen hadalka ka soo yeeray Ridwaan Xersi Maxamed, iyagoona balanqaaday inay ka qayb qaadan doonaan xal u helida mushkiladaha la soo dersay Dowladda Federalka.
Khilaafka Madaxda Dowladda, ayaa waxa uu sababay in laba garab ay u kala jabaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somaliya, iyadoo aad arkeyso in labada masuul ee Dowladda ugu sareysa, ay la kala safteen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

