Muqdisho (Caasimada Online)-Warka ka imaanaya Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Ciidamada Boliska gobolkaasi ay cagta mariyeen dhowr dhul beereedyo lagu beeraayay maandooriyaha abuurka ah.
Howlgalo ay ciidamada Boliiska ka sameeyeen dhul beereedyo ku yaala hareeraha magaalada Beledweyne oo ay ku jiraan degaanada Deefow iyo Kabxanleey , iyadoona lagu soo qabqabtay dad isugu jira Odayaal iyo dhalinyaro ku howlanaa tabcashada maandooriyaha Xashiishka, waxaana goobaha howlgalada laga fuliyay kormeeray waxgaradka Hiiraan sida ay u ogaadaan qaabka ay howlgaladaasi loo fulinaayay iyadoo maandooriyaha Xashiishka ee howlgalka lagu soo qabtay ugu dambeyntii dab la qabadsiiyay.
Mas’uuliyiinta dhulbeereedkaasi gaaray ayaa waxaa kamid ahaa C/fataax Xasan Afrax, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Somalia iyo Korneel Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alle oo ah Taliyaha qeybta Booliska waxa ayna sheegen in dhowr jeer ay baaqyo kala duwan kasoo saaren abuurashada Xashiishka hayeeshee dadka iminka lagu qabtay ay muteysan doonaan xariga iyo ciqaab.
Dhanka kale, waxa ayaa sheegen inay sii wadayaan howlagalada looga hortagayo walxaha maanka dooriya iyagoona fariin adag mar kale u diray dadka ku howlan tabcida iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

