28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Wasiirka ganacsiga DF oo hanti-qaran iibsaday (C/Weli oo la siiyey $200,000)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ganacsiga Aden Maxamed Nur Saransoor ayaa Bakhaaradii Hargaha iyo Saamaha ee ku dheganaa wakaalada Hargaha iyo saamaha kaga iibsaday Xildhibaan Xaaf aduun lacageed dhan 500,000 US$ (Shan Boqol kun oo Doolar).

lacagtaan 200,000 US$ oo kamida ayuu Aden Saransoor siiyey Raysul Wasaare Cabdiweli Sheikh halka 300,000 US$ oo hartayna uu Aden Saransoor jeebka ku shubtay.

Lacagtaan ah 500,000 Doolar oo ah mida ay isla qiran yihiin Wasiirka Saransoor iyo Xildhibaan xaaf oo ku heshiiyey boobka hantida qaran ayaan aheyn lacagta sida saxda ah loo kala qaatay oo lagu sheego kirada tobanaan-ka sano ee dhismayaasha dawladda balse waxaa jirta lacago kale oo si hoose uu u qaato wasiirka tartan la’aanka bixiya dhulalka iyo dhismayaasha dawladda Federaalka Soomaaliya.

saransoorWasiirka Ganacsiga Aden Saransoor ayaa saraakiisha Dawladda Federaalka u sheegay inuu ka kireeyay Xildhibaan Xaaf bakhaarada wakaalada hargaha iyo Saamaha mudo dhan 30 sano, arimaha noocaan ah ee ay Wasiiradda iyo Xildhibaanada caadeystay musuqmaasuqa iyo boobka hantida qaranka ayaa ah mid si joogto ah uga dhacda Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Xukuumadda iyo Baarlamaanka DF Soomaaliya oo aan sameynin Sharciyo lagu maamulayo hantida qaranka sida Dhulalka iyo dhismayaasha dawladda oo wasiirada iyo xildhibaanada shaqada ka dhigtay boobka kula kala wareegayaan hantida qaranka iyaga oo sameynaya heshiisyo aan laheyn saldhig sharci ayaa magaalada Muqdisho ka noqotay arin si sahlan dhaqaale uga sameeyaan masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda Federaalka taagta daran ee boobta magaalada Muqdisho.

Wasiiradda aan lala xisaabtamin ee DF Soomaaliya ayaa ah kuwa booba hantida qaranka waqtiyada yar oo ay heystaan magaca wasiirnimada aan laheyn siyaasad qoran oo uu ku shaqeeyo, Wasiiradda iyo Xildhibaanada federaalka ayaa ku tartama inay hanta gaar ahaaneed ka sameeyaan magaca dawladnimo oo ahayd inay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News