32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Cabdi Weli oo sheegay inuu jiro qorshe laga damacsan yahay khilaafka (XOG)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha dalka uu ka didsan yahay qorsho ay Dam-Jadiid ka damacsan yihiin sii socoshada Khilaafka jira, sida uu isaga aaminsan yahay.

Cabdi Weli ayaa dad ku dhow waxa uu u sheegay in Ujeedka Xasan Shekeh u diidaayo xalinta Khilaafka ay tahay inuu sii xoogeysto Khilaafka islamarkaana uu dib u dhac ku yimaado Doorashooyinka dalka ka dhacaaya 2016 iyo hiigsiga 2016.

Waxa uu sidoo kale, sheegay inay jirto wakhti iyaga u degsan oo ay qaadan doonaan heshiiska si inta uu khilaafka socdo ay gadaal uga riixdaan qorshayaal kale, oo horseedi kara waqti korarsi.

Cabdi Weli ayaa ka biyo diidan gabi ahaan dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee kooxda madaxweynaha ay wadaan isaga oo ku adkeysanaya go’aankii uu xilka kaga qaaday Faarax Cabdul Qaadir.

Dhanka kale, in kabadan 60 Xildhibaan ayaa Ra’isul wasaaraha ku raacsan in laga hor imaado wax waliba oo sahli kara in wakhti kororsi uu Madaxweyne Xasan Sheekh sameeyo, waxa ayna u ololeynayaan sidii looga hor imaan lahaa ujeedka xisbiga madaxweynaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News