31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xasan oo mowqifkiisa ku adkeystay iyo waftigii USA oo niyad jab kala laabtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah, ayaa kasoo baxeysa kullamo shalay gelinkii dambe Muqdisho ku dhex maray madaxda dowladda iyo Wakiilo ka socday Mareykanka oo xal loogu raadinayey khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha ay madaxda dowladda Soomaaliya la kulmeen waxaa hoggaaminayey Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya James P. McAnulty.
Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in natiijo la’aan uu ku dhammaaday kullanka, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkeystay mowqifkiisa.

Ilo wareedyada, ayaa sheegaya in madaxweynaha uu waftiga Mareykanka u sheegay inuusan marnaba la shaqeyn karin ra’iisul wasaare Cabdi Weli, isaga oo aaminsan in haddii la xaliyo khilaafka iminka jira, uu ka cabsi qabo inuu mid cusub soo baxo.

Waxaa la sheegay in Xasan Sheekh uu sidoo kale ka codsaday dalalka caalamka inay arrinta khilaafkan u daayaan hay’adaha Soomaaliya.

Sida wararku ay sheegayaan R/W Cabdi Weli, ayaa aqbaly inuu dib isugu shaandheeyo golaha wasiirada, uuna kusoo diro xubno wasiiro ah oo madaxweynaha uu keensan doono, balse madaxweynaha waxa uu ku adkeystay in xalka kaliya ee u muuqda yahay in Cabdi Weli is-casilo.

Soo dabaca ra’iisul wasaaraha ayaa loo sababeynayaa mooshinka ka yaalla baarlamanka oo 140 xildhibaan ay saxiixeen.

Dalalka caalamka waxa ay u sheegee madaxweynaha in waqtiga oo yar awgiis, aanay macquul ahayn in ra’iisul wasaare cusub lasoo magacaabo, balse Xasan waxa uu ku wargeliyay in hadii uu Ra’iisul Wasaaraha meesha ka baxo uu muddo kooban Ra’iisul wasaare iyo Xukuumad ku soo dhisi doono.

Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale mowqif kan la mid ah shalay siiyey wakiilka Britain ee Somalia Neil Wigan iyo Nicholas Kay oo uu shalay subax la kulmay.

Go’aanka Xasan Sheekh, ayaa muujinaya is-beddel weyn oo ku yimid siyaasadda Somalia, ayada oo inta badan madaxda Soomaalida lagu yaqiinay kuwa aan hadal kusoo celin beesha caalamka, balse waxa uu Xasan Sheekh iminka muujinayaa inaysan jirin cid qasbi karta.

Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale horey si cad ugu cambaareeyey wakiilka QM ee Somalia Nicholas Kay, oo uu ku amray inuu ixtiraamo madax banaanida Somalia.

Arrinta khilaafka ayaa iminka la filayaa inay u gudubto baarlamanka, halkaasi oo codka kalsoonida loogu qaadi doono Cabdi Weli.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News