28.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Xidig: Khilaafka Xasan & C/Weli, waa la xalin waayey, cod baan u qaadeynaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Rashiid Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Somalia ee kasoo horjeeda Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa waxa uu sheegay in ay fursad siiyeen Beesha Caalamka iyo welibo cid walbo oo dooneyso iney xaliso khilaafka Madaxda Dalka.

Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay inaysan u muuqan Ifafaalooyin muujinaaya in wax xal ah uu kasoo dhow yahay khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli.

Sidoo kale, C/rashiid Xidig ayaa sheegay in iminka Beesha Caalamka ay ku guul dareysatay Xalinta khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Xidig waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay fursad siiyeen madaxda dowladda inay dhexdooda is xaliyaan, sidoo kalena waqti ay siiyeen Beesha caalamka, balse ilaa hada aysan muuqan xal laga gaaray khilaafka oo lama huraan ay noqotay in sharciga la isla tago.

Waxa uu caddeeyay in Beesha Caalamka ay garwaaqsan tahay inay ku fashilantay Xalinta Khilaafaadka Xasan iyo C/weli u dhexeeya loona baahan yahay in la horkeeno Golaha shacabka si ay xal uga gaaran.

“Waan ognahay in xukuumaddu fashilan tahay, sidaa darteedna waa in codka kalsoonida loo qaadaa” ayuu yiri Xidig.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News